Kooxda Man City ayaa noqotay naadigii ugu horeeyay ee dalab rasmi ah kooxda Liverpool u gudbisay si xagaagan looga iibiyo Raheem Sterling.
Weeraryahankan diidan inuu Anfield baaqi kusii ahaado ayaa haatan dhibaato ku hayo kooxdiisa Liverpool madaama aysan wax talaabo ah qaadi karin ilaa uu mustaqbalkiisa cayaareed meel u dhaco.
Sidaa darteed The Mirror ayaa sheegay in kooxda Man City ay dalab £30million u gudbisay kooxda Liverpool sidoo kalena ay ka sugeyso jawaab deg deg ah.
Inkastoo Man City ay ka warqabo in Sterling ay ku raad joogaan kooxaha Man United, Chelsea, Arsenal iyo Real Madrid hadana qiimaha Reds ay u gudbisay in laqa aqbalo ayay ku rajo weyn tahay.
Raheem Sterling wuxuu kooxdiisa Liverpool ka diiday heshiis 5-sano ah iyo inuu todobaad walbo qaato £90,000 wuxuuna sheegay inuu hadafkiisa yahay u cayaarista naadi xili cayaareed walbo koob ku guuleesan karto.
The Mirror ayaa ku celiyay markale in kooxda Man City ay tahay naadiga ugu dhow ee Sterling gacanta kusoo dhigi karto madaama ay xiriir dagan la leedahay kooxda Liverpool.
Sidaa darteed Man City waxay diyaar u tahay hadii laga diido dalabka ay haatan Liverpool u gudbisay inay sare usii qaado oo ay gaarsiiso ilaa £40million.