The Mirror ayaa sheegay in kooxda Man City aysan quusan doonin sidoo kalena diyaar u tahay inay dalab labaad u dirto dhigeeda Liverpool si ay Raheem Sterling kaga hesho.
Man City dalab £30M ayaa laga diiday waxayna Liverpool sheegtay in Sterling uusan u qalmin lacagaha Man City ku dooneyso.
Sidaa darteed maamulka Man City oo aan rabin inuu waqti badan kaga lumo soo xero galinta Sterling ayaa haatan isku doonayaan inay dalab cusub oo lagu sheegay £40million inay Liverpool u gudbiyaan.
The Mirror oo helay warbixin la isku haleen karo ayaa sheegay in Man City ay dalabkan cusub Liverpool u gudbin doonto 48-saac ee nagu soo fool leh.
Weliba Man City ayaa diyaar la ah £40million inay kusoo dirto lacago kale oo dheeri ah hadii Sterling uu guulo dheeraad ah kusoo kordhiyo garoonka Etihad.
Liverpool waxay ku dooneysaa 20-jirkan £50M sidaa darteed waxaa la sadaalinaa in Reds aysan dalabka labaad ee Man City hadii uu soo gaaro aysan diidi doonin madaama Sterling rabin inuu Anfield baaqi kusii ahaado.
Sidoo kale Man City ayaa diyaar ula ah xidigan ka tirsan xulka England £180,000 todobaad walbo inay siiso sidoo kalena heshiis 5-sano ah lagu abaal mariyo madaama uu doonayo inuu garoonka Etihad usoo dhaqaaqo.