Wargeska Daily Star ayaa sheegay in kooxda Man City ay diyaar u tahay inay sare u qaado qiimaha ay ku dooneyso kubad sameeyaha reer Belgium Kevin de Bruyne.
Xidigan dhalinta yar wuxuu kooxdiisa Wolfsburg ka caawiyay hanashada DFB Pokal sidoo kalena kaalinta labaad ayay ka gashay Bundesligaha Jarmalka xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday.
Sidaa darteed Man City ayaa haatan ku dooneyso Kevin de Bruyne £35m waana qiimaha ugu sareeyay ee kooxda Wolfsburg loo gaaro.
Inkastoo City ay kalsooni ka muujisay helitaanka 23-jirkan hadana kooxda reer Jarmal dhibaato dhaqaalo ma heesato waxayna dhawaan sheegtay inay De Bruyne kaga samri karto £58m.
Balse Daily Star ayaa xaqiijiyay in wakiilka xidigan Patrick De Koster uu dhawaan kulan la qaatay agaasimaha Man City Txiki Begiristain waxayna ka wada hadleen sidii De Bruyne uu garoonka Etihad xagaagan ku imaan lahaa.
Kooxda Wolfsburg waxay qabtaa walaac xoogan oo ah hadii xidigan uu dalbado in la fasaxo taasi oo naadigan ku qasbi doonto inay dalabka Man City aqbasho madaama kooxaha kale ee xidigan doonayaan qiimaha Man City oo kale diyaar la ahayn.