Home » Maxaa Cusub » Man City Oo Kalsooni Ka Muujisay In Paul Pogba Uu Xagaagan Garoonka Etihad Usoo Dhaqaaqi Doono

Man City Oo Kalsooni Ka Muujisay In Paul Pogba Uu Xagaagan Garoonka Etihad Usoo Dhaqaaqi Doono


Pogba

Kooxda Man City ayaa kalsooni weyn ka muujisay inay xagaagan ku guuleesan karto loolanka xidiga qaarada Yurub xiligan loogu doonista badan yahay Paul Pogba.

Man City maamulkeeda waxay go’aan ku gaareen inay xagaagan lasoo saxiixdaan xidigaha Yurub ugu caansan si awooda kooxdan dib loo dhiso.

Sidaa darteed Man City todobaadkan gudihiisa waxay magaalada Turin u diri doonaa saraakiil kooxda Juventus wada hadalo la furaan.

Man City oo ka dharagsan in Juventus ay Pogba ku dooneyso £70m ayaa ku kalsoon in dalab gaarayo £50m laga aqbali doono inkastoo Juventus la ogeyn inay qiimaha Pogba hoos u dhigi doonto.

Sidoo kale Man City waxay 22-jirkan kusoo af duuban doontaa mushaar aad u sareeyo madaama ay Pogba u balan qaaday inay todobaad walbo siin doonto £200,000.

Man City ayaa ka cabsi qabto dhaqaaqyada ay wadaan kooxaha Barcelona, PSG iyo Real Madrid oo xiiso weyn u qabaan Pogba.

Sidaa darteed The Mirror ayaa sadaalinaayo in Man City ay lacago badan Pogba kula soo saxiixan doonto sidoo kalena ay macquul tahay inay xagaagan bixiso lacagaha xidigan madaxiisa Juventus dul dhigtay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>