Waa hubaal in Paul Pogba uu xagaagan naadiga Juvenutus ka tagi doono sidoo kalena waa xaqiiqo in kooxda reer Talyaani ay xidiganku fasixi doonto qiimahii ugu sareeyay ee lagu iibsado cayaaryahan Serie A-da ka cayaaro.
Sidaa darteed wargeska Manchester Evening News ayaa sheegay in kooxda Man City ay xagaagan qaadi doonto tilaabo ay saxiixa Pogba kaga dul qaadi doonto dhamaan kooxaha reer Yurub.
Warbixintan aya lagu sheegay in Man City ay diyaar la tahay £75m waana qiimaha ay Juventus xidigan horey u dul dhigtay.
Dhawaan kooxda PSG ayaa laga diiday dalab lacageed oo gaarayo £45m waxayna arinkan ka dhigan tahay in kooxda Juventus aqbali doonin qiimo ka yar mid ay xidigan awooda badan horey u dul dhigtay.
Wakiilka xidigan Mino Riolo ayaa horey ugu dhiiri galiyay dhamaan kooxaha Yurub ugu caansan inay xidigan saxiixiisa ku loolamaan balse masuulkan wax walbo kooxda Man City ayaa u fududeen doonto madaama ay diyaar la tahay qiimaha Juventus ku dooneyso Pogba.
Paul Pogba sidoo kale kooxaha Man United, Chelsea iyo Barcelona ayaa si gaar ah dabagal ugu hayaan xidigan sidii ay xagaagan gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.