Home » Maxaa Cusub » Man City Oo Rajo Wanaagsan K Qabto Saxiixa Kevin De Bruyne Madaama Uu Xidigan England Ku Sugan Yahay

Man City Oo Rajo Wanaagsan K Qabto Saxiixa Kevin De Bruyne Madaama Uu Xidigan England Ku Sugan Yahay


Kevin de Bruyne

Kevin De Bruyne ayaa magaalada London ku sugan wuxuuna kooxdiisa VFL Wolfsburg kala qayb qaadanayaa tartanka Emirates Cup.

Balse Man City ayaa fursad wanaagsan u aragto in Kevin De Bruyne uu gudaha England ku sugan yahay waxayna kooxdan wada hadalo la furi doontaa wakiilkiisa iyo kooxda Wolfsburg.

24-jirkan ayaa kusoo baxay kubad qeebayaha qaarada Yurub ugu wanaagsan wuxuuna haatan ka mid yahay xidigaha loogu doonista badan yahay.

Inkastoo De Bruyne lagu qiimeeyo £50m hadana Man City wax walaac ah lacagahaas kama qabto waayna diyaar u tahay inay bixiso qiimo walbo oo ay Wolfsburg xidigan kaga samri karto.

De Bruyne oo horey Chelsea uga tirsanaan jiray dhawaan ayuu sheegay inuu xiiseenayo kusoo laabashada Premiership-ka England.

Sidoo kalena Man City waxay xidigan dhalinta yar u balan qaaday boos joogto ah iyo mushaar uusan waligiis ku fikirin.

Balse macalinka kooxda Wolfsburgb Dieter Hecking ayaa si rasmi ah u sheegay in De Bruyne uusan beec ahayn sidoo kalena weli aysan dalab rasmi ah ka helin naadiga Man City.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>