Home » Maxaa Cusub » Man United, Arsenal & Liverpool Oo Ku Tartamaya Xidig Ka Tirsan Xulka Talyaaniga, Waa Kuma?

Man United, Arsenal & Liverpool Oo Ku Tartamaya Xidig Ka Tirsan Xulka Talyaaniga, Waa Kuma?


Marchisio

Kooxaha ka dhisan Ingiriiska Man United, Arsenal iyo Liverpool ayaa ku dagaalamaya saxiixa kubad sameeyaha kooxda Juventus iyo Xulka Azzurri Claudio Marchisio kaas oo haatan doorbidaya inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

Claudio Marchisio qandaraaska uu haatan kooxdiisa kula jiro wuxuu dhacayaa June 2016, balse sida lagu helay warar hoose oo ka imaanaya talyaaniga xidiga nafsad ahaantiisa ayaaba doonaya in sadex sano oo heshiis dheeraad ah uu kooxdiisa ugu kordhiyo isla markaana gaarsiiyo ilaa June 2019.

Liverpool oo raadineysa badalka Steven Gerrard ayaa xidigaan isha la raaceysa iyadoo dooneysa iney lasoo saxiixato, walow Manchester United qudheeda ay dooneyso iney ku adkeyso qadka dhexe.

Daley Blind iyo Ander Herrera ayaa ku sugan khadka dhexe kooxda Man United iyadoo dhaawaca Herrera uu sababay in Louis Van Gaal uu awood ka raadiyo Marouane Fellani oo muujiyay awoodiisa balse wali kooxda waxey tabeysaa kubad sameeye halis ah.

Dhanka kale Arsene Wenger ayaa aaminsan in kooxda u baahan tahay xidig khadka dhexe ah madama xidigaha Flamini iyo Arteta ay yahiin kuwo da’da ka daba timid sidoo kalana wiilashiisa Aaron Ramsey iyo Jack Wilshere ay yahiin kuwo dhaawaca u nugul.

Si Kastaba sadexdaan kooxood ee ka dhisan ingiriiska waxey xusul duub ugu jiraan saxiixa xidigaan walow aysan wali kooxdiisa dalab rasmi ah u dirin.

Ugu dambeyntii Marchisio haatan wuxuu ka mid yahay lafdhabarta kooxda Juventus, isagoo sidoo kalana 50-kulan u saftay xulkiisa Italy.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>