Home » Falanqeynta » Man United, Barcelona, Chelsea Iyo PSG Oo Xagaagan Dalka Mareekanka Koob Xiiso Badan Ku Wada Cayaari Doonaan

Man United, Barcelona, Chelsea Iyo PSG Oo Xagaagan Dalka Mareekanka Koob Xiiso Badan Ku Wada Cayaari Doonaan


International Champions Cup usa

Sidii joogtada ahayd xagaagan waxaa dalka Mareekanka lagu qaban doonaa tartanka xiisaha badan International Champions Cup waxaana ka qayb qaadan doonaan qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan.

Tartankan naadiga difaacan doonto waa Man United oo xagaagii hore 3-1 kaga qaaday naadiga Liverpool, hadaba qaban qaabiyaasha tartankan ayaa shaaca ka qaadeen xili la qaban doono sanadkan iyo kooxaha ka qayb qaadan doonaan.

Waxaa la sheegay in Man United si ay tartankan u difaacato inay la dagaalami doonto kooxaha Barcelona, Chelsea, PSG iyo kuwo kale.

Tartankan International Champions Cup waxaa la cayaari doonaa July 11 iyo  August 5 waxaana la sheegay in xagaagan lacago badan ay heli doonaan kooxaha ka qayb qaadan doonaan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Steven Gerrard uu tartankan kasoo muuqan doono asigoo ka tirsan kooxdiisa cusub LA Galaxy oo ayna macquul tahay inuu Man United iyo Chelsea ka hor imaado.

Hadaba hoos kaga bogo guud ahaan kooxaha tartanka International Champions Cup ka qayb qaadan doonaan:

Chelsea

Manchester United

Barcelona

Club America

Fiorentina

LA Galaxy

New York Red Bulls

Paris Saint-Germain

Porto

San Jose Earthquakes

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>