Home » Maxaa Cusub » Man United Iyo Arsenal Oo Barbardhac Ku Kala Baxay Kulan Aan U Xiiso Badneyn Sidii La Filayay Oo Ka Dhacay Old Trafford

Man United Iyo Arsenal Oo Barbardhac Ku Kala Baxay Kulan Aan U Xiiso Badneyn Sidii La Filayay Oo Ka Dhacay Old Trafford


Manchester United v Arsenal - Premier League

Laba gool oo ay wada dhaliyeen laba xidig oo Manchester United ah ayaa barbaro kusoo idleysay kulankii xiisaha badnaa ee Old Trafford ku dhexmaray kooxaha United iyo Arsenal.

Walcott oo badal kusoo galay ayaa ka dambeeyay in  Tyler Blackett uu gool iska dhaliyo halka Herrera uu isna dhaliyay gool hoganka u dhiibay qeybtii hore ciyaarta.

Man United ayaa ku bilowday ciyaarta kubad heysasho fiican iyadoo Arsenal ay ka muuqatay iney gadaal iska ilaalineyso walow ay kubada si qurux badan dhanka dambe uga soo dhisayeen.

Daafaca reer England Phill Jones ayaa saxay qalad uu galay inkastoo uu si naftii hurenimo ah u badbaadiyay madama uu kubad joog hoose aheyd madax la aaday daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta.

Ander Herrera ayaa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta markii uu si qurux badan shabaqa u galiyay kubad uu dhinaca ka keenay Ashley Young.

Goolka uu qeybta hore ciyaarta ka dhaliyay Herrera ayaa ka dhigan markii ugu horeysay in Arsenal gool laga dhaliyay qeybtii hore ciyaarta tan iyo maalintii sanadka cusub markaas oo ay Southampton la ciyaareen.

Juan Mata ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Manchester United daqiiqadii 42-aad markii uu kubad qurux badan goolka ku tuuray, balse Smalling ayaaka hor istaagay.

Qeybta hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0, oo ay ku hogaamineyso kooxda Manchester United, iyadoo Arsenal aysan sameyn wax isku day ah qeybtii hore.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo labada kooxood ay halkoodii kasii bilaabeen iney raadiyaan goolal kale.

Ashley Young ayaa si qurux badan uga soo xarooday dhanka bidix ee ciyaarta isagoo laba ciyaariyayahan si qurux badan usoo dhaafay, balse Mertesacker ayaa ka beeniyay.

Theo Walcott ayaa ku qasbay  Tyler Blackett inuu kubada shabaqa ku toosiyo markii uu kubad awood leh ku tuuray daqiiqadii 82-aad iyadoo ay xusid mudan tahay in da’yarkaan uu waqtiyar ka hor badal kusoo galay.

Olivier Giroud ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Arsenal daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta, markii uu baas qurux badan ka helay Mesut Ozil.

Robin Van Persie ayaa u dhawaaday inuu go’aamiyo natiijada ciyaarta madama uu kubad awood leh dhamaadkii ciyaarta goolka aadiyay balse kor ayuu mariyay, Fellaini ayaana madax ku caawiyay.

Natiijada ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay barbaro 1-1, taasoo ka dhigan in Man United ay wali baaqi kusii ahaaneyso kaalinta afaraad halka Arsenal ay kaalinta sadexaad joogi doonto iyadoo kulan baaqi ah gacanta ku heysata.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>