Naadiga Zenit St. Petersburg ayaa xaqiijisay inay dalabyo kala duwan usoo direen kooxaha Man United iyo Chelsea waxayna doonayaan in laga iibiyo Axel Witsel.
Xidigan xulka Belgium khadka dhexe kaga cayaaro ayaa diyaar u ah inuu xagaagan kooxdiisa Zenit isaga hayaamo sidoo kalena kooxaha Juventus, Roma iyo Inter Milan ayaa dabagal ku hayaan.
Balse Witsel ayaa xiiseenayo inuu Premiership-ka England u dhaqaaqo madaama xidigo badan oo ay xulka Belgium ka wada tirsan yihiin ay EPL ka cayaaraan.
Sidaa darteed wargeska Metro ayaa sheegay in Man United iyo Chelsea ay siyaabo kala duwan kooxda Zenit ula xariireen madaama ay rabaan in xagagan xiidgan gacanta kusoo dhigaan.
26-jirkan naadiga Zenit waxay sanadii 2012 £29 million kaga iibsatay kooxda Benfica balse haatan waxay diyaar u tahay inay £20M kaga samarto.
Man United ayaa dooneyso inay booska Michael Carrick xidigan galiso madaama haatan Carrick da’diisa sii caga cageyneso 34-sano.
Halka Chelsea iyadana ay dooneyso inay booska Obi Mikel galiso sidoo kalena uu khadka dhexe kula tartamo Matic iyo Fabregas.