Home » Maxaa Cusub » Man United Iyo Man City Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Xidiga Barcelona Ivan Rakitic

Man United Iyo Man City Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Xidiga Barcelona Ivan Rakitic


Ivan Rakitic

Kooxaha Manchester United iyo Manchester City ayaa ku dagaalamaya saxiixa xidiga dhawaan galka ah ee kooxda Barcelona Ivan Rakitic si ay xal ugu helaan mushkilada khadka dhexe ee heysata.

Kubad sameeyahan reer Croatia ayaa xagaagan kusoo biiray Barcelona isagoo ka yimid Sevilla wuxuuna Camp Nou ku yimid aduun dhan 14 Malyan Oo Pound.

Inkastoo xidigaan uu saftay 20-kulan dhamaan tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan, hadana Ivan Rakitic wuxuu dhibaato u arkay Kursiga keydka oo lagu badiyay waxaana xidigaan uusan ku badneyn falsafadda Enrique.

26-jirkaan waxaa ka horeeya halyeyga reer Spain Xavi Hernandez kaas oo kaga horeeya safka hore, waxaana soo baxaya haatan warar xidigaan la xiriirinaya kooxaha ka dhisan Ingiriiska.

Manchester United iyo Manchester City ayaana saxiixa xidigaan doonaya, hadii Louis Van Gaal uu ku hungoobo saxiixa Kevin Strootman wuxuu u dhaqaaqi doonaa Rakitic halka Pellegrini uu doonayo inuu helo badalka Yaya Toure.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>