Home » Maxaa Cusub » Man United, Liverpool & Tottenham Oo Ku Loolamaya Saxiixa Xidiga West Brom Saido Berahino

Man United, Liverpool & Tottenham Oo Ku Loolamaya Saxiixa Xidiga West Brom Saido Berahino


Berahino

Sida ay tilmaamayaan warbixino ay baahiyeen warbaahinta Ingiriiska kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa ku loolamaya saxiixa weeraryahanka kooxda West Brom Saido Berahino.

21-jirkaan heerka caalami ayaa qaab ciyaareed aad u heer sareeya soo bandhigtay xili ciyaareedkaan bilowga ah, waxeyna taasi sababtay in looga waco xulka England.

Spurs ayaa soo bandhigtay aduun dhan 15 Malyan Oo Pound si ay ula saxiixatgo Asal Burundi-gaan qaatay dhalashada dalka Ingiriiska, balse haatan Manchester United iyo Liverpool ayaa tartanka si xowli ah ugu soo biiray kuwaas oo doonaya iney Tottenham Hotspur ku ciiriyaan helitaanka xidigaan.

Berahino wuxuu ilaa haatan dhaliyay 7-gool, kaliya 10-kulan oo horyaalka Ingiriiska ah, kaas oo ka dhigeysa weeraryahanka ugu goolasha badan xidigaha u dhashay dalka Ingiriiska horyaalka.

Louis Van Gaal ayaa qaab ciyaareedka xidigaan u bogay kulankii ay kooxdiisa barbaraha la gashay West Brom dhamaadkii October, iyadoo xidigaan uu dhaliyay mid ka mid ah goolasha ay West Brom ka dhalisay United, Sidoo kalana Liverpool wuxuu ka dhaliyay gool inkastoo 2-1 looga badiyay.

Ugu dambeyntii xidigaan heerka sare kuma sii nagaan doono kooxda Baggies lagu neynaaso, inkastoo aan la ogeyn kooxda ku adkaan karta saxiixiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>