Home » Maxaa Cusub » Man United Maxaa Ka Hortaagan Inay Daafaca Valencia Nicolas Otamendi Garoonka Old Trafford Keento!

Man United Maxaa Ka Hortaagan Inay Daafaca Valencia Nicolas Otamendi Garoonka Old Trafford Keento!


Otamendi

Daily Mail ayaa horey u sheegay in kooxda Man United ay heshiis hordhac ah la gaartay daafaca reer Argentina Nicolas Otamendi.

Xidigan awooda badan laguna tilmaamo daafaca ugu wanaagsan La Ligaha Spain dhankiisa wuxuu sheegay inuu Man United usoo dhaqaaqi doono sidoo kalena uusan rabin inuu naadi kale ku biiro.

Balse haatan wararka ka imaanayo dalka Spain ayaa sheegayo in kooxda Valencia aysan xidigan qiimo jaban ku fasixi doonin waxayna dhigeeda United ka dalbatay £36million.

Man United daafacan saxiixiisa bilawgii sanadkan ayaa ku guul dareesatay xili uu suuqa Yurub furnaa balse haatan waxay la xariirtay wakiilkiisa Jorge Mendes oo ka balan qaaday inuu Old Trafford xagaagan keeni doono Otamendi.

Inkastoo Man United iyo Valencia xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo hadana kooxda reer Spain diyaar uma ahan in xidigan si cadaadis ah looga qaato waxayna kaga samri karaan £36million.

Man United diyaar uma ahan inay lacagahan Otemandi kula soo saxiixato waayo qiimahan waxay ku heli kartaa Mats Hummels oo ka waaya aragsan Otemandi sidoo kalena xulka Jarmalka koobka aduunka kula guuleestay sanadkii hore.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>