Daily Express ayaa sheegay in kooxda Man United iyadana markeeda ay nasiino u didii doonto dhigeeda Real Madrid xagaagan waxayna ka dooneysaaa ugu yaraan 4-cayaaryahan.
Madaama goolhaye David De Gea uu haatan kusii dhawaanayo ku biiritaanka kooxda Real Madrid sidoo kalena xidigan ay kooxdiisa aqbashay inay fasaxdo waxay United dooneysaa dhankeeda inay xiriir cusub la xirito kooxda Real Madrid.
Warbixintan xiisaha badan ayaaa lagu sheegay kooxda ku cayaarto garoonka Old Trafford inay Real Madrid ka dooneyso Gareth Bale, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema iyo Raphael Varane.
Xogtaan ayaa lasii daba dhigay 4-cayaaryahan ee Man United Madrid ka dooneyso in United aysan u sahlanaan doonin helitaanka Ronaldo balse sedexda kale ay macquul tahay inay xagaagan gacanta kusoo dhigto.
Karim Benzema ayaa laga xiran rabaa albaabada garoonka Bernabue madaama uusan ka mid ahayn qorshaha macalin Benitez sidaa darteed Man United xidigan ugu sahlan oo ay heli karto weerrayahanka reer France ayaa lagu tilmaamay.
Macalin Luis Van Gaal ayaa sidoo kale doonayo awoodiisa dhaqaale inuu u adeegsado soo xero galinta Bale iyo Varane oo iyagana saluugsan qaabka ay ula dhaqmaan maamulka Real Madrid.