Home » Maxaa Cusub » Man United Oo £51m Kusoo Iibsan Doonto Labo Xidig Oo Muhiim Ah Maal Maha Nagu Soo Fool Leh

Man United Oo £51m Kusoo Iibsan Doonto Labo Xidig Oo Muhiim Ah Maal Maha Nagu Soo Fool Leh


Jasper Cillessen

Kooxda Man United lacagaha ay xagaagan suuqa Yurub ku qarash gareyneso marnaba hakad kuma imaaan doono waxayna haatan shaaca ka qaaday inay £51m maal maah nagu soo fool leh labo xidig oo muhiim ah kula soo saxiixan doonto.

Macalin Luis Van Gaal wuxuu ku kalsoon yahay saraakiishiisa suuqa Yurub u qaabilsan inay dhameyn karaan maal maha nagu soo fool leh saxiixyada Nicolas Otamendi iyo goolhaye Jasper Cillessen.

Wargesja The Metro ayaa shaaca ka qaaday in Man United ay haatan la heshiisay dhigeeda Ajax waxayna kaga soo qaadan doontaa goolhaye Jasper Cillessen £17.8m.

Balse lama ogo imaatinka goolhaye Jasper Cillessen inuu fududeen doono in goolhaye David De Gae uu kooxda Real Madrid ku biiri doono xagaagan.

Dhinaca kale shabakada Fichajes ayaa sheegtay in Man United ay ugu dambeyntii aqbashay inay bixiso qiimaha kooxda Valencia kaga samri karto daafaca reer Argentina Nicolas Otamendi.

Man United waxay bixin doontaa €50 (£33m) waana qiimaha kooxda Valencia daafacan kartida badan kaga samri karto.

27-jirkan wuxuu diiday inuu naadi kale ku biiro sidoo kalena wakiilkiisa iyo isaga waxay ku heshiiyeen inay xagaagan garoonka Old Trafford usoo dhaqaaqaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>