Kooxda Man United ayaa weli rajo wanaagsan ka qabto inay xagaagan lasoo saxiixato weeraryahanka xulka Jarmalka iyo naadiga Bayern Munich Thomas Muller.
Wargeska The Express ayaa sheegay in United ay dalab toos ah u diri doonto dhigeeda Bayern Munich maal maha nagu soo fool leh balse aysan si toos ah ula hadli doonin Muller iyo wakiilkiisa.
Waayo Man United ma dooneyso xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeyo Bayern inuu xumaado sidaa darteed waxay tixgalin doontaa jawaab walbo oo ay ka helaan naadiga reer Jarmal.
Inkastoo Thomas Muller uu bilawgii xagaagan sheegay inuu diyaar u yahay la shaqeynta macalinkiisii hore Luis Van Gaal.
Thomas Muller ayaa ah xidigaha ugu muhiimsan naadiga Bayern Munich wuxuuna xili cayaareedkii dhawaa kooxdiisa u dhaliyay 21-gool sidoo dhaman tartamada kala duwan sidoo kalena 13-kubadood ayuu dhiibay.
Thomas Muller ayaa ah xidigaha labaad ee ugu kubad dhiibista badan Bunldesigaha Jarmalka 6-sano ee ugu dambeesay wuxuuna baasay 55-kubadood oo ay xidigaha Bayern dhaliyeen kaliya Franck Ribery oo 59-kubadood dhiibay ayaa ka badan!
Sidaa darteed macalin Van Gaal ayaa xidigan labo dhinac kaga faaa’iideesan lahaa dhalinta iyo dhiibista goolasha.