Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Bisha January U Dhaqaaqeysa Laba Xidig Oo Reer Holland Ah

Man United Oo Bisha January U Dhaqaaqeysa Laba Xidig Oo Reer Holland Ah


vlarrdejong

 

Tababare Louis Van Gaal ayaa u dhaqaaqaya bisha January burburiyaha reer Holland Nigel De Jong sida ay ku warantay Corriere dello Sport oo fadhigeedu yahay dalka talyaaniga.

Jariiradaan maalinlaha ah ayaa qirtay in Van Gaal uu baacsanayo xidigii hore Manchester City kaas oo aan wali heshiis cusub u saxiixin kooxdiisa Milan.

Wararkaan ayaa imaanaya xili xidiga nafsad ahaantiisa uu qiray inuu ku faraxsan yahay joogitaanka kooxda Milan iyo horyaalka talyaaniga, balse hadii Van Gaal uu wax badan isku dayo uu soo raaci doono.

Dhanka kale Daily Star ayaa qirtay in daafaca Aston Villa Ron Vlaar uu isna noqon doono xidiga labaad ee reer Holland ah oo De Jong kula biiri doona January kooxda Man United.

29-jirkaan heerka caalami ayaa qaab ciyaareed qurux badan kaga soo muuqday koobkii Aduunka, isagoo xulkiisa gaarsiiyay kaalinta sadexaad madama ay Brazil ku garaaceen.

Si Kastaba Vlaar oo tababare uu u ahaa xiligaas macalinka haatan ee United Louis Van Gaal taasoo suuragal ka dhigi karta in Vlaar uu iska dhiibo Old Trafford.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>