Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Chelsea Kula Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Pedro Oo 22 Malyan Lagu Heli Karo

Man United Oo Chelsea Kula Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Pedro Oo 22 Malyan Lagu Heli Karo


Pedro

Manchester United ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa garabka Barcelona Pedro Rodriguez kaas oo lagu heli karo kaliya 22 Malyan Oo Pound.

Man United ayaa dooneysa iney sii xoojiso weerarkeeda waxeyna markaan milicsaneysaa Pedro oo ay horay u doon dooneysay kooxda Blues.

United waxey durba lasoo saxiixatay afar xidig iyadoo Louis Van Gaal uu wali kusii jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda si uu kooxdiisa u kaamil yeelo.

Pedro dhawaan ayuu heshiiska u kordhiyay kooxdiisa waxaana haatan uu diyaar u yahay inuu kooxdiisa isaga tago madama uusan boos joogto ah ka heli karin kooxda Enrique waxaana qabsaday wiilal ku bahoobay magaca MSN kuwaas oo noqday indhaha kooxda Bulgarana.

Si kastaba Pedro wuxuu u muuqdaa inuu soo gaari doono Horyaalka Ingiriiska isagoo ku biiraya midkood Chelsea ama Man United.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>