Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Dalab Cusub Oo Sergio Ramos Ku Wajahan U Gudbisay Iyo Madrid De Gae Quus ka taagan

Man United Oo Dalab Cusub Oo Sergio Ramos Ku Wajahan U Gudbisay Iyo Madrid De Gae Quus ka taagan


Sergio Ramos

Kooxda Man United weli kama quusanin qaabkii ay gacanta ugu soo dhigi laheyd daafaca awooda badan Sergio Ramos.

Sida darteed United ayaa dalab cusub oo lagu sheegay €45m u gudbisay dhigeeda Real Madrid si ay Sergio Ramos xagaagan kaga hesho.

Balse warbixintan waxaa lagu sheegay in Real Madrid aysan marnaba hoos u dhigi doonin qiimaha €90m ee Ramos madaxiisa la dul dhigay.

Sidaa darteed labadan koox wada hadaladooda wuxuu noqon doonaa mid taxanaha ah oo socon doono ilaa uu suuqa Yurub bisha September ka xirmaayo.

Dhanka kel gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez ayaa sheegay inaysan wax dalab ah u diri doonin goolhaye David De Gae oo la hadal haayay inuu Real Madrid ku biiri doono.

Waxaana warbixin cusub lagu sheegay in Real Madrid ay haatan isku dayi doonto sidii ay kula soo saxiixan laheyd goolhayaha naadiga Arsenal David Ospina oo fasax loo siiyay inuu naadigii uu doono ku biiri karo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>