Wararka ka imaanayo dalka Spain ayaa sheegayo in kooxda Man United ay qorsheneyso inay bisha Janaayo lasoo saxiixato wiilka khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Atletico Madrid Koke, waxayna United dooneysaa inay xidigan madaalaha ah ku xoojiso khadkeeda dhexe.
United xidigo badan oo khadka dhexe ku wanaagsan ayaa lala xariirinaayay biloowinkii ugu dambeeyay balse haatan waxay si qaas ah xooga u saari doontaa soo xero galinta Koke waxayna ku dooneysaa £37.5m.
22-jirkan waxaa inta badan lala bar bar dhigaa ruug cadaaga Barcelona Xavi inkastoo Koke uu kusii wanaagsan yahay kubad raacista sidaa darteed macalin Van Gaal ayaa fariin u diray saraakiisha Man United u joogaan dalka Spain si ay arinta Koke u dhameeyaan.
Inkastoo Man United ay Koke lacago xoogan ku dooneyso hadana waxaa lga cabsi qabaa in kooxda reer Spain aysan xidigan fasixi doonin madaama xili cayaareedka uu meel dhexe maraayo waxaana la aaminsan yahay in macalinka Atletico hogaamiyo Diego Simeone uusan Koke fasixi doonin madaama uu marar badan u diiday kooxda Barcelona.