Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Diyaar U Ah Inay Dhageesato Dalabyada Ku Aadan Robin Van Persie

Man United Oo Diyaar U Ah Inay Dhageesato Dalabyada Ku Aadan Robin Van Persie


Robin Van Persie

Weeraryahanka reer Holland Robin Van Persie ayaa tirsanaayo waayihiisa garoonka Old Trafford madaama kooxda Man United ay diyaar u tahay inay dhageesato dalabyada xidigan ku aadan.

Wargesyada dalka Talyaaniga ayaa qoreen in kooxda Juventus ay tahay naadiga ugu cad cad ee RVP heshiis la gaari karto xagaagan.

Juventus ayaa baadi goob ugu jirto weeraryahan cusub madaama uu xagaagan ka tagi doono Fernando Llorente sidaa darteed Van Persie ayay doonayaan inay magaalada Turin keenaan.

31-jirkan labadii sano ee ugu dambeesay uma suura galin inuu bandhig wanaagsan ka sameeyo garoonka Old Trafford sidaa darteed asigoo madaxiisa hoos u raaraco ayuu Manchester isaga hayaami doonaa.

Wargeska The Sun ayaa sheegay in Juventus ay RVP ku qaadan doonto qiimo jaban waxayna Man United badalka xidigan garoonka Old Trafford keeni doontaa xidigaha Karim Benzema ama Gonzalo Higuain mid ay u suura gasho inay xagaagan gacanta kusoo dhigto.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>