Manchester United ayaa dooneysa iney dib ula soo saxiixato kabtankeedii hore reer Serbia Nemanja Vidic kaas oo si xor ah ku aaday Inter Milan xagaagan marka la gaaro bisha January ayeyna u dhaqaaqi doontaa.
Vidic wali lama qabsan kubada talyaaniga inkastoo qaladaad badan oo uu geestay ay kooxda mushkilad ku abuurtay, waxaase markaan usoo yeeray war farxad leh markii Louis Van Gaal uu ka dhawaajiyay in loo baahan yahay dib usoo celinta xidigaan.
Daily Express ayaa qirtay in Manchester United ay damacsan tahay iney January soo xerogaliso Vidic si uu baahida daafac ee kooxda u daboolo madama naadiga dhibaato dhanka daafaca ay hareysay.
Manchester United waxey baadi goob ugu jirtaa laba difaac oo ka ciyaari kara daafaca dhexe kuwaas oo mushkilada kooxda yareeeya, balse Vidic ayey u arkeen inuu yahay xidig khibrad u leh horyaalka Ingiriiska isla markaana dabooli kara baahida qeyb ka mid ah daafaca kooxda oo ah meesha ay haatan ka dhutineyso.
Ugu dambeyntii Nemanja Vidic oo ku dhibtoonaya horyaalka Ingiriiska ayaa laga yaabaa inuu aqbalo dalabka kooxdiisii hore Manchester United, inkastoo xidigaan la ogaa inuu ka qomameeyay ka tagitaanka United madama uu dhibsaday macalin David Molyes.