Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Dooneysa Iney Old Trafford Dib Ugu Soo Celiso Cristiano Ronaldo, Miyey Macquul Tahay?

Man United Oo Dooneysa Iney Old Trafford Dib Ugu Soo Celiso Cristiano Ronaldo, Miyey Macquul Tahay?


Ronaldo

Manchester United ayaa markaan diirada saari doonta dib ugu soo celinta Old Trafford xidiga sadexda jeer heysta abaalmarinta Ballon d’Or ee Cristiano Ronaldo xagaagan.

Kabtanka Portugal ayaa ka hayaamay Man United lix sano ka hor wuxuuna xiligaas lacago rikoor ah ugu biiray Real Madrid, balse Manchester Evening News ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka layaabka leh ee ay United lasoo wareegeyso xagaagan uu isaga noqon doono.

30-jirkaan haatan waxaa la hadal hayaa inuu isaga tagayo Madrid, wuxuuna qandaraaskiisa ku egyahay ilaa 2018, 200-kulan oo uu saftayna wuxuu shabaqa taabsiiyay 255-gool horyaalka La Liga.

Si kastaba Ronaldo wuxuu sanadii 2009, Madrid ugu wareegay 80 Malyan Oo Pound, United ayaana haatan qorsheyneysa iney xidigaan kusoo celiso Old Trafford.

Ma Sahlana in Madrid ay aqbasho arin suuragalin karta iney weyso Ronaldo oo ah xidiga ugu muhiimsan kooxdaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>