Wayne Rooney kaliya ayaa Manchester United shabaqa usoo taabtay walow goolka kale uu ahaa mid ay iska dhaliyeen Arsenal, halka goolka qura ee Gunners ay dhalisay uu dhaliyay Giroud oo badal kusoo galay qeybta dambe ee ciyaarta.
Arsenal ayaa u dhawaatay iney hogaanka qabato daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta markii Chambers uu kubad qiyaano ah u gudbiyay Danny Welbeck, inkastoo xidigii hore United uu kubad daciif ah riday hadana McNair ayaa koorne u saaray.
Arsenal ayaa kubada maamulkeeda ku heer sareysay 15-kii daqiiqo ee ugu horeeyay waxeyna heshay laba fursadood oo is xigay markii Jack Wilshere iyo Danny Welbeck ay kubada goolka la beegsadeen balse De Gea ayaa labaduba si hal-haleel ah u qabsaday daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta.
Goolhaye David De Gea ayaa sameeyay qalad uu gadaal ka saxay markii kubad uu si qaldan u tuuray lagu weeraray goolkiisa Danny Welbeck ayaana kubad qurux badan u dhiibay Wilshere kaas oo isna kubad qaali aheyd goolhaha ku garaacay daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta.
Alexis Sanchez ayaa kubad qurux badan dhexda uga dhiibay Chamberlain oo ku sugan meel u dhaw goolka United, da’yarka reer England ayaa kubada qaabeeyay balse De Gea ayaa kusoo baxay oo ka badbaadiyay kubada daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta.
Angel Di Maria ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Manchester United oo markii ugu horeysay qatar galisay goolka Arsenal daqiiqadii 35-aad ee ciyaarta, si qurux badan ayuu kubada u jaray balse uma noqon.
Manchester United ayaa mar kale goolka Arsenal tiigsatay markii Di Maria uu orod kusoo galay goolka, Rooney ayuu si fudud ugu dhiibay balse kabtanka United kubadii daafaca Arsenal ayuu ku garaacay, inkastoo RVP inuu siiyo ay u furneed daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta.
Danny Welbeck ayaa gool qurux badan isku dayay inuu ciribta uga dhaliyo Manchester United balse uma suuragalin daqiiqadii 43-aad ayuuna helay fursadaas markii koorne uu iska saaray De Gea ay dib ugu soo noqotay.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0. iyadoo Gunners ay qeybta hore ciyaarta ku gacan sareysay inkastoo daqiiqadihii dambe ee qeybta hore ay United madaxa lasoo kacday.
Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo Danny Welbeck uu fursad qaali ah daqiiqadii 49-aad ee ciyaarta ka qasaariyay kooxdiisa markii uu goolka orod ku galay, David De Gea ayaana badbaadiyay oo koorne u saaray.
Kieron Gibbs ayaa hogaanka u dhiibay Manchester United kaas oo gool ka dhaliyay kooxdiisa isagoo dhaawacay goolhaye Wojciech Szczesny daqiiqadii 56-aad ee ciyaarta.
Ashley Young ayaa kubada dhinac ka keenay inkastoo Fellaini uu ka qeyb qaatay iney isku dhacaan labada xidig ee Gunners, Valencia ayaana sababay in Gibbs uu goolka iska dhaliyo.
Chamberlain ayaa kubad si fudud ugu soo qaaday Sanchez oo dhexda kaga jiray daafaca United, xidiga reer Chile wuu madaxeeyay balse David De Gea ayaa ku dhagay.
Arsenal ayaa muujisay dadaal ay ku dooneyso iney barbardhac ku hesho, Welbeck ayaa madax ku caawiyay Cazorla kaas oo isna goosha beegsaday daqiqiadii 67-aad ee ciyaarta, Goolhaye De Gea ayaase ku dhagay.
Arsenal ayaa cadaadis xoog badan saartay Manchester United iyadoo Cazorla uu dhowr jeer ku sigay goolka United, Sanchez iyo Chamberlain ayaana sidoo kale ka qeyb qaatay dadaalka Arsenal ay ku dooneysay iney hesho barbaro madama gurigeeda lagu ciyaarayay.
Wayne Rooney ayaa hogaanka u dheereyay Manchester United daqiiqadii 84-aad ee ciyaarta markii uu kubad qurux badan ka helay Angel Di Maria, inakastoo kubada ay aheyd mid weerar gaadmo ah oo uu kasoo shaqeeyay Fellaini.
Wayne Rooney ayaa dhigay rikoor cusub madama uu noqday xidiga goolasha ugu badan ka dhaliyay Arsenal, 11-gool ayuuna ka dhaliyay Arsenal inta uu ka hor yimid.
Angel Di Maria ayaa iska qasaariyay fursad uu hogaanka ugu dheereyn lahaa Manchester United markii uu ka hortagay goolhaye Damian Martinez, si qurux badan ayuu u sameeyay balse banaanka ayey ka martay.
Olivier Giroud ayaa gool rajo kusoo celiyay Arsenal u dhaliyay markii uu darbo xoogan shabaqa dhex dhigay iyadoo goolhaye De Gea oo wax badan qabtay uu awoodi waayay inuu badbaadiyo daqiiqadii 94-aad ee ciyaarta.
Ugu dambeyntii Manchester United ayaa guul ka gaartay Arsenal, waxeyna haatan soo fariisatay booska afaraad ee kala sareynta horyaalka Ingiriiska, halka Gunners ay fariisatay booska 8-aad ee ciyaarta.