Wargeska The Sun oo siweyn ugu dhuun daloolo wada hadalada is mari waaga ku dheehan ee u dhaxeeyo kooxaha Man United iyo Real Madrid ayaa warbixin cusub ka qortay mustaqbalka goolhaye David De Gae.
The Sun ayaa sheegay in Man United ay aqbashay rabitaanka goolhaye David De Gae oo ah in xagaagan kooxda Real Madrid laga iibiyo.
Balse midaas kama celin karto Man United inay ku hesho xidigan tayada wanaagsan qiimo aad u sareeyo madaama De Gae uu yahay xiidga ugu muhiimsan garoonka Old Trafford.
The Sun ayaa helay xog ku aadan in Man United ay dhigeeda Real Madrid fariin kama dambees ah u dirtay sidoo kalena u sheegtay in goolhaye De Gae ay kaga samri karto £25m iyo wixii ka sareeyo.
Halka kooxda Real Madrid iyadana ugu tala gashay inay De Gae kula soo wareegto £18m madaama qandaraaskiisa 12-bilood oo qura ka harsan yahay.
Sidaa darteed The Sun ayaa sadaalinaayo in saxiixa De Gae ee Real Madrid ku aadi doono uu waqti badan qaadan doono.
Sidaa darteed labadan naadi dan uguma jirto in heshiiskan uu daaho madaama Man United ay rabto inay goolhaye tayo wanaagsan lasoo saxiixato halka Real Madrid iyadana ay dooneyso ina Iker Casillas iska fasaxdo hadii ay xili hore De Gae gacanta kusoo dhigto.