Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Gaartay Guusheedii 4-aad Oo Xariir Ah Kadib Markii Ay Stoke Si Dhab Badan Ku Dhaafeen

Man United Oo Gaartay Guusheedii 4-aad Oo Xariir Ah Kadib Markii Ay Stoke Si Dhab Badan Ku Dhaafeen


United

 

Macalin Luis Van Gaal ayaa haatan ku raaxeesanayo guulaha isdaba jooga ah oo ay kooxdiisa Man United gaareyso waayo United ayaa ka heshay naadiga Stoke City guusheedii 4-aad oo xariir ah Premiership-ka England.

Man United ayaa 2-1 guusha ku qaadatay kulankan xiisaha badnaa waxayna United guushan kaga mahad celinaa Fellaini iyo Mata.

Macalin Van Gaal ayaa kulankan kusoo bilaabay shax ay ka maqan yihiin Di Maria iyo Rooney balse laacibka reer Belgium ayaa muujiyay in doorkiisa uu xili cayaareedkan muhiim u yahay wuxuuna Fellaini madaxa ku dhaliyay kubad uu soo karoosay Andre Herrera daqiiqadii 21-aad

Fellaini waxay u ahayd markii ugu horeesay ee uu garoonka Old Trafford gool ku dhaliyo waxaana goolkiisa ma marqaati kaceyn dhamaan taageerayaasha Man United.

Qaybtii hore oo 6-daqiiqo ka harsan ayaa United la bar bareeyay waxaana goolka kooxda Stoke u dhaliyay Steven Nzonzi waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-1.

Markii la isku soo laabtay xidigaha macalin Van Gaal ayaa kalsooni muujiyeen waxaana United goolka ay u baahneed dhaliyay Juan Mata daqiiadii 59-aad.

Wuxuuna xidiga reer Spain laad xor ah dhaafsiiyay goolhaye Asmir Begovic oo kubada celin waayay.

Qaybihii ugu dambeeyay kulankan Man United ayaa u dagaalantay sedexddaan dhibcood weliba macalin Van Gaal ayaa siweyn ugu mahad celiyay goolhaye David De Gae oo muujiyay in United ay siweyn ugu tiirsan tahay.

De Gae ayaa gool rasmi ah ka bad baadiyay weeraryahanka Stoke Diouf daqiiqadii 93-aad markale ayuu De Gae hadana ka celiyay kubad gool loo fishay Mark Wilsondaqiiqadii 94-aad  sidoo kalena Ashley Young ayaa isagana geesino muujiyay madaama uu isku dhigay kubad uu dhalin rabay Diouf.

United ayaa guusha ku qaadatay 2-1 waxayna haatan kooxdan leedahay 25-dhibcood ayadoo hal dhibic oo qura ka hooseyso naadiga Southampton oo kaalinta 3-aad ku jirto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>