Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Hormar Wanaagsan Ka Sameesay Soo Xero Galinta Laacibka Argentina iyo Benfica Enzo Perez

Man United Oo Hormar Wanaagsan Ka Sameesay Soo Xero Galinta Laacibka Argentina iyo Benfica Enzo Perez


Perez

Wararka ka imaanayo dalka Portugal ayaa sheegayo in kooxda Man United ay haatan go’aansatay inay lasoo saxiixato xidigaha khadka dhexe kaga cayaaro xulk Argentina iyo kooxda Benfica Enzo Perez.

Madaama United ay dabagal ku heesay xidigan todobaadyadii ugu dambeesay sidoo kalena saraakiil ka socdeen kooxdan ayaa kulamo badan daawadeen bandhiga Perez waxayna macalin Van Gaal usoo gudbiyeen in xidigan uu ku haboon yahay qaab cayaareedka Man United.

28-jirkan maalmo ka hor waxaa la hadal haayay in kooxda Valencia ay €30m ku qaadan doonto marka uu xili cayaareedkan dhamaado balse haatan Man United ayaa dooneyso inay bisha Janaayo saxiixiisa kaga guuleesato naadiga reer Spain sidaa darteed United ayaa ku qasbanaan doonto inay qiimo raali galiyo kooxda Benfica miiska u saarto.

Enzo Perez ayaa ka mid ah laacibiinta ugu wanaagsan horyaalka Portugal waana laacib ku caan baxay inuu si adag kubada u raaco sidoo kalena uu weerar sameyn karo marka uu kubada helo wuxuuna ka mid yahay xidigaha Box To Box-ka ku wanaagsan waana booska ay u baahan tahay kooxda Man United.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>