Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Isaga Baxday Qorshihii Ay Ku Dooneesay Daafacyada Kala Ah Otamendi, Garay iyo Stone

Man United Oo Isaga Baxday Qorshihii Ay Ku Dooneesay Daafacyada Kala Ah Otamendi, Garay iyo Stone


Otamendi-581038

The Express ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Man United ay gabi ahaanba iska joojisay qorshaha ay ku dooneesay inay garoonka Old Trafford ku keento daafacyada kala ah Ezequiel Garay, Nicolas Otamendi iyo John Stones.

Sidoo kale warbixintan waxaa lagu sheegay in Man United aysan marna dib uga laaban doonin qorshaha ay ku dooneyso Sergio Ramos.

United ayaa ugu tala gashay inay arinka Ramos ka biyo keento ilaa uu suuqa Yurub xagaagan ka xirmaayo waxayna diyaar u tahay inay dhigeeda Real Madrid la furto wada hadal natiijo wanaagsan laga filan karo.

Dhanka kale Manchester Evening News ayaa sheegtay in Man United ay dhigeeda Real Madrid ka iibin doonto goolhaye David De Gae si cilaaqaadka labadan naadi uu mid wanaagsna u noqdo sidoo kalena arinka Ramos si daganaan ku dheehan looga wada hadlo.

Real Madrid waxay Ramos usoo jeedisay inuu kabtanka kooxda noqdo sidoo kalena heshiis cusub uu qalinka ku duugo.

Daafacan ayaa adeegsanaayo siyaasad ku dheehan isdabaalis madaama ilaa haatan uusan si rasmi ah u aqbalin dalabka kooxdiisa.

Muhiimada waxay tahay in Ramos uu cadeeyo waxa uu doonayo markaas ayay kooxda Man United ka quusan doontaa helitaanka daafacan tayada wanaagsan.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>