Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Isha La Raaceyso Raphaël Varane Iyo Jerome Boateng Si Ay Daafaceeda u Dhisto

Man United Oo Isha La Raaceyso Raphaël Varane Iyo Jerome Boateng Si Ay Daafaceeda u Dhisto


Raphaël Varane Iyo Jerome BoatengMacalin Luis Van Gaal ayaa dal baday in loo soo gacan galiyo labada daafac ee tayada wanaagsan Raphaël Varane iyo Jerome Boateng.

United ayaa dooneyso inay wada hadalada ay Real Madrid la wado haatan ku lifaaqdo sidii Raphaël Varane looba iibin lahaa.

Sidoo kale The Mirror ayaa sheegay in Man United ay dalban doonto heshiiska goolhaye David De Gae ku aadayo garoon Bernabue in qayb la dhigo Raphaël Varane.

Inkastoo Real Madrid aysan diyaar u ahayn inay iska iibiso Raphaël Varane hadana daafaca reer France ayaa kooxdiisa ku cadaadin doonon in dalabka Man United laga jawaabo madaama labadii sano ee ugu dambeesay uu inta badan kursiga keydka fadhiyay.

Dhanka kale wargeska The Bild ayaa sheegay in Man United ay la xariirtay Jerome Boateng ee daafaca dhexe kaga cayaaro naadiga Bayern Munich.

Daafacan awooda badan ayaa dhawaan iska diiday dabal uu ka helay naadiga Barcelona wuxuuna ka mid yahay xidigah ugu muhiimsan kooxda Bayern Munich.

Balse Man United ayaa ku kalsoon inay Boateng gacanta kusoo dhigi karto xagaagan wayo United ayaa diyaar u ah inay xagaagan suuqa Yurub ku qarash gareeso 200-milyan oo pound.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>