Wargeska Daily Star ayaa baahiyay in macalin Luis Van Gaal uu garoonka Old Trafford ka diri doono xidigaha uu u arko in kooxdiisa ay dheeri ku yihiin.
Sidoo kalena tababare Van Gaal wuxuu doonayaa inuu fasaxa cayaartooydan lacago ka helo weliba warbixintan waxaa lagu sheegay in 6-cayaaryahan oo ay Man United iska iibin doonto inay ka heli doonto ku dhawaad £70m.
Waxaa la filaa lacagaha ugu badan Man United inay ka heli doonto Angel Di Maria oo aqbalay inuu kooxda PSG ku biiro.
Waxayna naadiga reer France 27-jirakn ku iibsan doontaa £42.8m madaama uu haatan heshiiska shaqsiga ah la gaaray.
Sidoo kale Man United haatan gacanta waxaa ugu jirto £4.7m oo ay ka heshay iibkii Robin Van Persie kaasi oo kooxda Fenerbahce ku biiray.
Sidoo kale Man United waxay lacago dhex dhexaad ah ka fileysaa iibka xidigaha Rafeal, Victor Valdes iyo Javier Hernandez oo dhamaantood la xaqiijiyay in garoonka Old Trafford xagaagan isaga hayaami doonaan.
Ugu dambeyntii Man United ayaa rajeyneyso inay lacago £10m ka heli doonto iibka Jonny Evans oo la filaayo inuu kooxda Arsenal ku biiro toodbaadyada nagu soo fool leh.