Wargeska Daily Star ayaa ka dhawaajiyay in kooxda Man United ay bisha Janaayo lasoo saxiixan doonto Nigel De Jong oo ku fikiraayo inuu kooxdiisa AC Milan isaga hayaamo.
Macalin Luis Van Gaal ayaa taageero u ah xidigan madaama ay xulka Holland kasoo wada shaqeeyen wuxuuna tababarahan waaya araga ah doonayaa inuu De Jong dib ugu soo celiyo Premiership-ka England.
Nigel De Jong qandaraaska uu Milan kula joogo wuxuu ku egyahay dhamaadka xili cayaareedkan sidoo kalena wuu ka diiday kooxdiisa inuu heshiis cusub u saxiixo, arinkaas awgeed Milan diyaar ayay bisha Janaayo u noqon doontaa inay De Jong Man United ka iibiso.
United waxay dooneysaa qiimo lagu sheegay 5-milyan oo pound hadii Milan ay dalabkan diido bisha Janaayo wuxuu wargeska Daily Star sheegay in United ay xidigan heshiis hordhac ah la gaari doonto sidoo kalena ay xagaaga dambe si xor ah ku qaadan doonto.