Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Isku Diyaarineyso Inay Lasoo Saxiixato Daafaca At. Madrid Diego Godin

Man United Oo Isku Diyaarineyso Inay Lasoo Saxiixato Daafaca At. Madrid Diego Godin


Godin

Wararka ka imaanayo dalka Spain ayaa sheegayo in kooxda Man United ay haatan u weecatay sidii ay kula soo wareegi laheed daafaca xulka Uruguay iyo naadiga Atletico Madrid Diego Godin.

United ayaa isku diyaarineyso inay daafacan tayada wanaagsan kula soo wareegto £28m waana lacagaha qandaraaskiisa lagu jebin karo.

Madaama United ay haatan dhanka daafaca ka liidato macalin Luis Van Gaal ayaa aaminsan hadii ay Godin gacanta kusoo dhigaan bisha Janaayo inay dhibaatada ka bixi doonaan.

28-jirkan xili cayaareedkii hore isaga ayaa sabab u ahaa inay Atletico Madrid ku guuleesato La Ligaha Spain sidoo kalena wuxuu kooxdan ka caawiyay inay kama dambeesta koobka horyaalada Yurub.

Sidaa darteed wakiilada kooxda Man United u qaabilsan dalka Spain ayaa wada xaajood la fureen kooxda Atletico Madrid waxayna ku kalsoon yihiin inay la saxiixan karaan Godin horaanta sanadka cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>