Wargeska Daily Express ayaa shaaca ka qaaday in Man United haatan qorsheneyso saxiixa daafaca xulka Portugal iyo naadiga Real Madrid Pepe.
Daafacan awooda badan ayaa doonayo inuu sameeyo isbadal madaama uu dareemay in lasoo gaaray xiligii uu isaga hayaami lahaa caasimada dalka Spain.
Daliy Express ayaa xusay in Pepe uu kalsooni buuxdo ka waayay maamulka Real Madrid oo kaga baxeen balan ay horey kaga qaadeen kaasi oo ahaa in qandaraaska loo kordhiyo.
Sidaa darteed Pepe ayaa diyaar u ah inuu dalabka Man United ka faa’iideesto waxayna kooxda ree England ku talo jirtaa inay xidigan lasoo saxiixato horaanta bisha Janaayo.
Pepe ayaa haatan lagu qiimeeyaa 20-milyan oo euro ah sidoo kalena waxaa xidigan saxiixiisa xiiseenayaan kooxaha Man City iyo Juventus balse Daily Express ayaa xusay in Man United haatan hogaanka u qabatay loolanka loogu jiro saxiixa daafacan waaya araga ah.