Goolhayaha reer Spain David De Gae wuxuu ka madax adeegayaa inuu kooxdiisa Man United heshiis cusub u saxiixo ilaa haatana midaas laguma guuleesanin inkastoo United wax walbo u balan qaaday.
Hadaba Mirror ayaa sheegay in United ay haatan qabto walaac xoogan kaasi oo ah hadii ay xidigan ceshato uu sanadka 2016 xagaagiis si lacag la’aan ah kaga tago.
Man United haatan waxay de Gae ku heli kartaa £50m oo ay diyaar ula tahay kooxda Real Madrid balse maamulka kooxdan ayaa ka madax adeegeyso inay xagaagan De Gae iska fasaxdo.
The Mirror ayaa sheegay in haatan maamulka Man United ay ku kala qaybsan yihiin arinka 24-jirkan madaama De Gae warkiisa cadeestay sidoo kalena diyaar u ahayn inuu qandaraas cusub saxiixo.
Macalin Luis Van Gaal ayaa wato qorshe kale oo ah hadii De Gae uu diido xagaagan inuu heshiis saxiixo xidigan si too ah aan Real Madrid looga iibinin balse ay uga badashaan Grathe Bale oo isagana doonayo inuu dib ugu soo laabto Premiership-ka England.
Sidoo kale De Gae xiriir wanaagsan lama lahan macalinkiisa Van Gaal mana ula sheekeesto sidii uu awal ula sheekeesan jiray Sir Alex Ferguson oo kale.