Manchester United ayaa ku warantay iney ka hortageyso xiisaha ay Real Madrid u qabto xidigeeda goolka u qabta ee David De Gea iyadoo ka saxiixeysa heshiis cusub.
Warar xan ah oo la isla dhexmarayay maalmihii ugu dambeeyay ayaa sheegayay in kooxda boqortooyada Spain ee Real Madrid ay miiska saareyso 25 Malyan Oo Pound si ay ula saxiixato 23-jirkaan heerka caalami.
Sidoo kale Manchester United waxa walwal galiyay goolhaye David De Gea kaas oo albaabada u furay Real Madrid isla markaana jaceylkiisa u muujiyay inuu u gooro Bernabeu.
Sida ay sheegtay Mirror, United oo ka walwalsan xiisaha Real Madrid iyo hadalka De Gea ayaa xidigeeda usoo bandhigeysa heshiis cusub waxeyna isbuucii siin doontaa 120,000 Pound isbuucii.
Ugu dambeyntii De Gea heshiiska uu kula jiro United wuxuu ku egyahay 2016, balse United kum qanacsana oo waxey rabtaa iney sii dheereyso mudada uu Old Trafford joogi doono.