Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Kala Dirtay Aston Villa, Herrera Oo Laba Jeer Shabaqa Tagay Xili Ay Istaagtay Booska Sadexad

Man United Oo Kala Dirtay Aston Villa, Herrera Oo Laba Jeer Shabaqa Tagay Xili Ay Istaagtay Booska Sadexad


RooneySadex gool oo ay kala dhaliyeen Rooney iyo Herrera ayaa ka saaciday Manchester United iney guul qurux badan ka gaarto Aston Villa, Louis Van Gaal ayaana fahmay shaxda kooxdiisa madama uu aaminay 11-ciyaariyahan kuwaas oo sadex guul oo xiriir ah siiyay.

United ayaa si xowli ah ku bilowday ciyaarta, kaliya Marcos Rojo ayaana saa’id ku ahaa shaxda Van Gaal kaas oo badalay Smalling oo dhaawacan.

Ciaran Clark ayaa qoorta ka qabatay Wayne Rooney isla markaana ku  riday xerada ganaaxa, balse garsooraha ayaan u joojin inkastoo qaladkaas uu ahaa mid casaan lagu muteysto.

Aston Villa ayaa qaaday weerar gaadmo ah durba, Agbolnahor ayaana goosha United tagay, balse uma suuragalin inuu hogaanka u dhiibo kooxdiisa.

Ashley Young ayaa kubad kala soo xarooday geesta bidix, kubad joog hoose ah ayuuna goosha keenay, daafaca Villa ayaa soo saaray, Juan Mata ayaana durba ku celiyay mar kale ayey soo saaren waxeyna aheyd fursad muhiim ah balse ma noqon.

Juan Mata ayaa mar kale kasoo galay dhinaca bidix isagoo si qurux badan uga xariiftamay daafaca Aston Villa balse kubadii uu goolka aadiyay waa la isku dhigay daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta.

Marcos Rojo ayaa u dhawaaday inuu shabaqa dhex dhigo kubad awood leh oo uu kasoo tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta, balse goolhaye Guzan ayaa ka diiday oo koorne u saaray.

Wayne Rooney ayaa isku dayay inuu Qalaama-Rogaal ku dhaliyo kubad uu ka helay Antonio Valencia inkastoo kubada uu si qurux badan markii hore usoo abuuray Ander Herrea, kubadii uu goolka la beegsaday geesta ayey martay daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta.

Ashley Young ayaa u dhawaaday inuu kubad lama filaan ah shabaqa taabsiiyo markii uu laad kasoo qaaday dhinaca bidix, balse goolhaye Guzan ayaa ka saaray daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta.

Ander Herrera ayaa hogaanka u dhiibay Manchester United daqiiqadii 44-aad ee ciyaarta, Fellaini ayaa si fiican ula ciyaaray Young, kaas oo isna si qurux badan ugu dhiibay Blind, xidgia reer Holland ayaana kubada si qiyaano ah ugu gudbiyay Herrera aoo si qurux badan lugta bidix ugu dhameestiray.

United ayaa qaab ciyaared qurux badan muujineysa, Rojo iyo Rooney ayaana min hal jeer isku day sameeyay waqtigii dhimashada qeybta hore ciyaarta, balse ma dhicin iney gool u badalaan.

Qeybtii hore ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay 1-0, oo ay hogaanka ku heyso kooxda Manchester United, qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay.

Aston Villa ayaa abuurtay fursadii ugu fiicneyd ciyaarta ay hesho Andreas Weimann ayaana si qurux badan kubad ugu gudbiyay Benteke, balse wuu gaari waayay.

Ashley Young ayaa shaqo fiican qabtay isagoo kubad joog hoose ah isugu dayay inuu hogaanka ugu dheereyo United, balse meel aan goolka waxba u jirin ayey martay

Fellaini ayaa u dhawaaday inuu madax awood leh dhex dhigo shabaqa Aston Villa, Brad Guzan ayaana si dhib leh u saaray daqiiqadii 61-aad.

Wayne Rooney ayaa helay kubad ay iska qaldeen Aston Villa, si qurux badan ayuuna kubada goosha ula galay, balse sidii la filayay ma sameyn madama uu kubada meel qaldan aadiyay, waxeyna aheed fursad fiican daqiiqadii 69-aad.

Wayne Rooney ayaa hogaanka u dheereyay Man United daqiiqadii 79-aad ee ciyaarta, gool qurux badan ayuuna shabaqa taabsiiyay isagoo caawinaad ka helay Angel Di Maria.

Christian Benteke ayaa dhaqso jawaab uga bixiyay goolka Rooney kadib markii uu kubad lama filaan ah ka dhex bixiyay goolhaye De Gea, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1, daqiiqadii 80-aad.

Manchester United ayaa si qurux badan u ciyaartay Ander Herrera ayaana soo afjaray noloshii Aston Villa ee kulanka markii uu waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta uu ugu shubay goolkii sadexaad.

Si qurux badan ayaa kubada loosoo dhisay, Rooney ayaana la ciyaaray Mata iyadoo wiilka reer Spain uu saaxiibkiisa Herrera kubad qurux badan u dhigay meel aan ka fogeen, si habsami leh ayuuna shabaqa ugu hubsaday iyadoo goolhaye Brad Guzan uu awoodi waayay inuu isku dayo.

Manchester United ayaana gaartay guul qurux badan iyadoo si kumeel gaar ah u fadhiisatay booska sadexaad ee horyaalka waxeyna baaqi kusii ahaan doontaa ilaa Isniinta.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>