Manchester United ayaa dhawaan laga soo diiday dalab ay ka gudbisay Morgan Schneiderlin, balse waxey wali kalsooni ku qabtaa iney dhameyneyso saxiixiisa ka hor inta aysan u duulin dalka mareykanka.
United ayaa lagu soo celiyay dalab 20 Malyan Oo Pound ah, balse Manchester Evening News, ayaa qortay in kooxda uu hogaamiyo Van Gaal ay u furan tahay iney dalab kale gudbiso isla markaana ay wadahadalo la gasho kooxda Southampton.
Todobaadkaan bilowgiisii ayey aheed markii macalin Ronald Koeman uu xaqiijiyay in Morgan Schneiderlin uu ka tagi karo kooxda hadii Man United ay bixiso lacagaha ay Saint duldhigtay madaxa xidigaan reer France.
Manchester United waxey Mareykanka u duuli doontaa ka hor jimcaha soo aadan, madama kulankeeda ugu horeeya ay jimcada soo aadan la ciyaari doonto kooxda Club America waxaana la rajeynayaa in Morgan uu kulankaas kasoo muuqdo.
Si kastaba Van Gaal ayaa aaminsan in Morgan Schneiderlin uu kooxdiisa ka dhameystiri doono awooda khadka dhexe ee liidatay.
Dhanka kale Sir Alex Ferguson lixdii sano ee ugu dambeysay kooxda Man United uu maamualayay lama soo saxiixan hal xidig oo khadka dhexe ah halka Van Gaal uu wax ka yar laba sanadood marayo shan xidig oo khadka dhexe ah.
Ugu dambeyntiian Bastian Schweinsteiger ayaa ah xidig kale oo ay United ku raad joogto kaas oo kasoo hoos ciyaaray Van Gaal waqtigii Bayern Munich uu maamulaya.