Wargeska Daily Express ayaa bogiisa hore ku qoray in kooxda Man United ay ku guuleesan rabto saxiixa kubad sameeya xulka Switzerland Xherdan Shaqiri.
Madaama xidigan uu ku dhibaateesan yahay kooxdiisa Bayern Munich asigoo boos ka weesay waxaa u gacan haatiyay macalin Luis Van Gaal oo aaminsan inuu tayada Shaqiri ka a’iideesan karo.
23-jirkan wuxuu ka mid yahay dhalinta ugu wanaagsan qaarada Yurub balse masraxa aduunka wacdaro ma uusan ka dhigin madaama uu boos ka waayay kooxda uu macalin Pep Guardiola hogaamiyo.
Sidaa darteed dhawaan si rasmi ah ayuu maamulka Bayern kaga codsaday in bisha Janaayo la iska fasaxo waxaana la filaa in codsigiisa loo tixgalin doono.
Xherdan Shaqiri ayaa lagu qiimeeyaa 20-milyan oo euro ah waana qiimo lacageed oo ay Man United diyaar u tahay inay bixiso inkastoo saxiixiisa ay loolan adag kala kulmi doonaan kooxaha Liverpool, Schalke iyo Juventus.