Manchester United ayaa ku warantay iney dooneyso saxiixa da’yarka diidan inuu heshiiska u kordhiyo Liverpool Raheem Sterling iyadoo sii murjineysa xaalada Liverpool.
United ayaa kula biireysaa loolanka xidigaan kooxaha Arsenal iyo Chelsea oo horay damacooda u muujiyay waxeyna United diyaar la tahay Aduun lacageed gaaraya 50 Malyan Oo Gini.
The Sun ayaana qirtay sheekadaan iyadoo ka dhawaajisay in Manchester United ay diyaar u tahay bixinta lacagahaas.
Xiriir wanaagsan ma lahan kooxaha Liverpool iyo Manchester United, mana dhicin iney ciyaartoy is weydaarsadaan taasna waa arin hor istaagi kartaa in United ay hesho Sterling hadiiba uu ka tagaayo garoonka Anfield Road.
Ogow in Manchester United ay koox walba ku garaaci karto balan qaad mushaar ama lacago xidig lagu soo iibsado madama ay ka mid tahay kooxaha ugu sareeya xaga dhaqaalaha, balse sheekada Raheem Sterling ayey basiin kusii shubtay.
Ugu dambeyntii Sterling ayaan wali go’aan qaadan inkastoo uu diiday heshiis 100,000 isbuucii ah isagoo haminaya lacago intaa ka badan.