Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Lacagteeda Si Sax Ah U Adeegsatay Madaama Ay £40M Kusoo Iibsatay Schweinsteiger Iyo Schneiderlin

Man United Oo Lacagteeda Si Sax Ah U Adeegsatay Madaama Ay £40M Kusoo Iibsatay Schweinsteiger Iyo Schneiderlin


united last

Hadal heynta ugu weyn suuqa Yurub kooxda Man United ayaa la wareegtay madaama ay lasoo saxiixatay labo xidig oo aad u tayo wanaagsan kuwaas oo khadka dhexe qabiir ku ah.

Macalin Luis Van Gaal culeeskii saarnaa haatan wuu ka dagay madaama marwalbo lagu dhaliili jiray in kooxdiisa dhanka khadka dhexe ku liidato.

United waxay £15m kaga soo iibsatay naadiga Bayern Munich ruug cadaa Bastian Schweinesteiger oo qalinka ku duugay heshiis 3-sano ah.

Kabtanka xulka Jarmalka ayaa ku qancay fariinta uu macalin Van Gaal usoo diray waxaana la rajeynaa inuu hogaan ka noqon doono khadka dhexe ee Man United.

Sidoo kale kooxda ku cayaarto garoonka Old Trafford waxay £25m kula soo wareegtay Morgan Schneiderlin oo ka tirsanaa naadiga Southampton.

25-jirkan xulka France ka tirsan ayaa qalinka ku duugay heshiis 4-sano ah sidoo kalena wuxuu laf dhabar u noqon doonaa qorshaha Man United damacsan tahay xili cayaareedka nagu soo fool leh.

Dabcan Man United siyaasadeeda suuqa Yurub sida saxda ah ayay u adgeegsatay madaama ay £40M kusoo heshay Schweinsteiger iyo Schneiderlin oo dib usoo celin kartaa farxadii ka luntay taageerayaasha Man United.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>