Wargeska The Mirror ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Man United ay haatan kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa Theo Walcott oo la rajeynaayo inuu xagaagan Arsenal isaga tago.
Laacibka reer England kaliya kooxda Liverpool ayaa lala xariirinaayay balse haatan Man United ayaa dhankeeda sheegtay inay xagaagan dalab u diri doonto xidigan waaya araga ah ee xawaarihiia dheereeyo.
26-jirkan qandaraaskiisa xagaagan waxaa uga hari doono 12-bilood oo qura wuxuuna diiday inuu Arsenal heshiis cusub u saxiixo sidaa darteed Arsenal ayaa ku qasbanaan doonto inay dalabyada Man United iyo Liverpool dhageesato marba hadii uu Walcott diiday inuu Emirates sii joogo.
Sidoo kale macalinka xulka England Roy Hodgson ayaa xidigan u digay wuxuuna u sheegay inuu helo boos joogto ah hadii kale uusan xulkiisa England ugu wici doonin.
Man United waxay dooneysaa inay booska Angel Di Maria galiso oo xagaaga nagu soo fool leh Paris u dhaqaaqi doono halka Liverpool iyadana mustaqbalka Raheem Sterling aysan hubin waxayna Walcott u baadi goobee inay la saxiixato hadii Sterling diid heshiis cusub.