Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Loo Sheegay Qiimaha Ay Ku Heli Karto Daafaca Reer Argentina Nicolas Otamendi

Man United Oo Loo Sheegay Qiimaha Ay Ku Heli Karto Daafaca Reer Argentina Nicolas Otamendi


epa04753996 Valencia CF's Argentinian midfielder Nicolas Otamendi celebrates after scoring against Celta during the Spanish Liga Primera Division soccer match played at Mestalla stadium, in Valencia, eastern Spain, 17 May 2015.  EPA/Kai Foersterling

Kooxda Man United waxay dabagal xoogan ku heesay todobaadyadii ugu dambeesay daafaca kooxda Valencia Nicolas Otamendi.

Balse haatan United inay soo xero galiso xidigan waxaa ka xigto kaliya inay bixiso qiimaha ay kooxda Valencia daafacan awooda badan dul dhigtay.

Warbxin laga soo xigtay gudaha xarunta naadiga Valencia ayaa lagu sheegay in Nicolas Otamendi uu ku biiri karo xagaagan kooxda Man United waa hadii naadiga reer England ay bixin karto €50million oo ah lacagaha qandaraaskiisa lagu jebin karo.

Wargeska Mirror ayaa dhawaan sheegay in kooxda Man United ay heshiiska shaqsiga ah la gaartay Otamendi waana sababta keentay in Valencia aysan arinkan ka aamusin oo ay shaaca ka qaado qiimaha ay xidigan kaga samri karto.

27-jirkan tayada wanaagsan Man United wuxuu u yahay bartilmaameedka kowaad balse macalin Luis Van Gaal ayaa haatan la sheegay inuu daafacyo kale u leexan doono.

Madaama Man United aysan marnaba diyaar u ahayn lacagaha €50million oo ay Valencia dul dhigtay Nicolas Otamendi inay bixiso.

Hadaba Man United ayaa haatan u weecatay suurta galnimada ay ku heli karto daafacyada kala ah  Joao Miranda oo Atletico Madrid ka tirsan iyo John Stones oo naadiga Everton u cayaaro.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>