Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Old Trafford Ku Garaacday Dariskooda Man City, Ceelna Ku Riday Rajadii Ay Ka Laheyd Horyaalka

Man United Oo Old Trafford Ku Garaacday Dariskooda Man City, Ceelna Ku Riday Rajadii Ay Ka Laheyd Horyaalka


IHN SPT 120415

Afar gool oo ay kala dhaliyeen Young, Fellaini, Mata iyo Smalling ayaa Manchester United guul muhiim ah ka siiyay dariskooda Manchester City, rajadii City ee difaacashada horyaalka ayaana ceel ku dhacday iyadoo haatan u dagaalami doonta kaalmaha Champions League.

Ciyaarta ayaa ku bilabatay dardar xoogan iyadoo Manchester City ay horaantiiba muujisay firfircooni iyadoo durba sameysay isku dayo ay gool ku dooneyso.

Martin Demichelis aya kubad meel dheer ka siiyay Jesus Navas kaas oo isna orod ku galay goolka United, balse kuba joog hoose ah oo uu goosha la galay David De Gea ayaa ka badbaadiyay.

Mar kale Navas ayaa geesta kasoo galay isagoo doonaya inuu weerarka City gool ku caawiyo balse kubadii uu spoo dhex dhigay Carrick ayaa banaanka u saaray.

Sergio Aguero ayaa hogaanka u dhiibay Manchester City daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta markii uu kubad in goolka lagu taabto uu ka helay David Silva.

Manchester United ayaa jawaab ka bixisay goolka Aguero, Ashley Young ayaana kubad qurux badan shabaqa la helay daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta, inkastoo markii hore uu la gafay hadana Clichy ayaa u saxay taasoo u sahashay in kubada uu shabaqa la helo.

Ashley Young ayaa sameynayay weeraro xawaare leh isagoo labada dhinac ka weerar galayay, taasoo keentay inuu gool ku caawiyo Fellaini.

Maroune Fellaini ayaa hogaanka u dhiibay Manchester United daqiiqadii 27-aad ee ciyaarta si habsami leh ayuuna madaxa ugu dhameestiray, waxaana xusid mudan in Young iyo Blind ay kubadaas kasoo wada shaqeeyeen.

Manchester City ayaa u muuqata koox dabacday qeybihii dambe ciyaarta qeybteeda hore, United ayaadna mooday iney madaxa kor usoo qaaday.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1, oo ay hogaanka ku heyso kooxda Manchester United, balse markii la isku soo laabtay iyadoo United ay halkeedii ka bilowday cadaadiska ay ku heysay City.

Wayne Rooney ayaa u dhawaaday inuu laad xor ah shabaqa Manchester City dhex dhigo, balse goolhaye Hart ayaa ka badbaadiyay.

Isla waqtigiiba Young ayaa kubad soo dhigay goolka, Carrick ayaa goolka ku tuuray, Hart ayaana badbaadiyay, qalqal yar ayaa soo wajahay goolka City, balse ugu dambeyntii waa iska saareen.

Juan Mata ayaa hogaanka u dheereeyay Manchester United daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta, kadib markii uu baas qurux badan ka helay Wayne Rooney, xidiga reer Spain ayaana si habsami leh shabaqa ugu shubay kubada.

Mar kale Cris Smalling ayaa murjiyay xaalada Manchester City daqiiqadii 74-aad markii uu si qurux badan madaxa kubad ula helay laad xor ah oo uu dhinac kasoo tuuray Ashley Young.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay gool uusan u dabaal dagin daqiiqadii 87-aad ee ciyaarta, markii uu kubad macaan ka helay Zabaleta, si qurux badan ayuuna u dabamariyay De Gea oo isku daygii uu sameeyay ku fashilmay.

Natiijada ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay 4-2, oo ay guusha ku raacday kooxda Manchester United, waxeyna wali cadaadis sii saareysaa Arsenal iyadoo u jirta hal dhibic.

Manchester city waxey haatan afar dhibcood ka hooseyneysaa kooxda Man United, waxeyna gudoontay guuldaro kaga timid dariskoda.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>