Daily Star ayaa sheegay in kooxda Man United ay xagaagan sameyn doonto isku day geesinimo ku dheehan madaama ay liiska ku darsatay inay lasoo saxiixato labada xidig ee Bayern Munich muhiimka u ah Robert Lewandowski iyo Bastian Schweinsteiger.
Labadan xidig waxay ka mid yihiin laacibiinta aduunka ugu wanaagsan balse xagaagan ma hubaan inay garoonka Allianz Arena baaqi kusii ahaan doonaan waayo macalin Pep Guardiola ayaa la filaa inuu saxiixyo dheeri ah kooxdiisa kusoo kordhiyo.
United Lewandowsk sanadihii ugu dambeeyay ayay u raad joogtay markii uu ka tirsanaa naadiga Dortmund haatana rajo ayay ka qabaa saxiixiisa madaama 26-jirkan uusan hogaamiye kowaad ka noqon Bayern.
Dhanka kale macalin Van Gaal ayaa doonayo inuu dib ula midoobo Bastian Schweinestieger oo ay Bayern wada joogeen 4-sano ka hor.
30-jirkan dhaawaciisa ayaa batay sidoo kalena waa isbadal doon wuxuuna xiiso gaar ah u qabaa ka cayaarida Premiership-ka England.
Daily Star ayaa sheegay in Man United ay ku heli karto Bastian £10million balse ilaa haatan dalab rasmi ah Man United oo ku aadan labadan xidig uma aysan gudbinin dhigeeda Bayern Munich.