Warges kasoo baxo gobolka Catalunya ayaa sheegay in daafaca reer Brazil Dani Alves uu haatan qarka u saaran yahay inuu heshiis la gaaro kooxda Man United.
Alves qandaraaska uu Barcelona kula joogo ayaa ku eg bisha June ee nagu soo fool leh wuxuuna xidigan ka madax adeegayaa inuu kooxdiisa heshiis cusub u saxiixo.
Maalmihii ugu dambeesay waxaa la hadal haayay in 32-jirkan iyo maamulka Barcelona ay xal wada gaareen sidoo kalena qandaraas cusub laga saxiixi rabo.
Balse haatan waxaa la sheegay warbixin cusub oo sheegeyso in Alves uu go’aankiisa badalay sidoo kalena diyaar u yahay inuu dalabka Man United aqbalo.
Wararka ayaa intaas ku daraayo in Man United ay daafaca garabka midig u balan qaaday mushaar ka wanaagsan midka uu haatan Barcelona ka qaato sidoo kalena lacago dheeri ah la siino doono hadii uu guulo gaarsiiyo.
Inkastoo wararkan siweyn looga hadal haayo magaalada Barcelona hadana Alves arinkan wuu ka gaabsaday wuxuuna doonayaa inta ka harsan xili cayaareedkan inuu kooxdiisa ka caawiyo sidii ay ugu guuleesan laheed dhamaan tartamada kala duwan.