Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Saxiixa John Stones Dooneysa Iney Kaga Guuleysato Dhigeeda Chelsea, Maxey Sameyn Doontaa?

Man United Oo Saxiixa John Stones Dooneysa Iney Kaga Guuleysato Dhigeeda Chelsea, Maxey Sameyn Doontaa?


Stones

Sida ay sheegayaan warbixinada ka imaanaya Ingiriiska kooxda Manchester United ayaa markaan dooneysa iney sameyso isku day ay saxiixa John Stones kaga guuleysaneyso dhigeeda Chelsea iyadoo ku dhaqaaqeysa wado farxad galin karta Everton.

Stones ayaa si aad ah loola xiriirinayaa inuu isaga tago kooxda Everton, waxaana laba dalab laga soo diiday Chelsea laba jeer iyadoo kooxda ka dhisan Goodison Park, balse markaan United ayaa sameyneysa isku daygooda.

Daily Mirror ayaa shaaca ka qaaday in Man United ay haatan wado qorshe ay xidigaan heerka caalami kula soo saxiixanayaan waxeyna dhigeeda Everton ku wareejineysaa lacag iyo Jonny Evans.

Everton qudheeda waxey xiiso u qabtaa Jonny Evans taasna waxey faa’ido u tahay kooxda ka dhisan Old Trafford oo ku qancin karta 21-jirkaan inuu qeyb ka noqdo qorshaha Louis Van Gaal ee xagaaga soo aadan.

Ugu dambeyntii John Stones kaliya xagaagii tagay ayuu si wacan uga soo dhex muuqday Everton wuxuuna u saftay 28-kulan dhamaan tartamada oo dhan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>