Danny Ings qandaraaska uu Burnley kula joogo ayaa ku eg dhamaadka xili cayaareedkan wuxuuna weeraryahankan iska diiday inuu heshiis cusub qalinka ku duugo.
Kooxda Liverpool ayaa xidigan dabagal xoogan ku heesay tan iyo bilawgii sanadkan waxayna u balan qaaday mushaar aad u sareeyo.
Balse haatan warar cusub ayaa sheegayo in Man United ay haatan hogaanka u qabatay loolanka loogu jiro saxiixa Danny Ings oo doonayo inuu xili cayaareedka dambe koobka horyaalada Yurub cayaaro.
Sidoo kale 22-jirkan waxaa lala xariirinaa kooxaha Manchester City, Tottenham iyo Real Sociedad balse Daily Mail ayaa sheegay in haatan ay United qarka u saaran tahay in xidiagn u dhashay dalka England inay heshiis hordhac ah la gaarto.
Ings 9-gool ayuu dhaliyay xili cayaareedkii ugu horeeyay ee uu EPL cayaaro wuxuuna doonayaa inuu hormar dhanka kubada cagta ah ka sameeyo sidaa darteed maamulka kooxdiisa wuxuu ka diiday inuu qandaraas cusub u saxiixo.
Man United ayaa sidoo kale naadiga Burnley ka balan qaaday inay £5million oo magdhaw ah siin doonto madaama laacib dhalin yar uu doortay inuu Old Trafford usoo dhaqaaqo.
Sidaa darteed haatan Man United ayaa qarka u saaran inay Ings gacanta kusoo dhigto madaama ay kooxda Burnley qancin rabto sidoo kalena ay xidigan mushaar sare u balan qaaday.