Home » Horyaalada » La Liga Spain » Man United Oo Sergio Ramos Ku Dhiiri Galineyso Inuu Sicad U Sheego Rabitaankiisa Ku Aadan Inuu Old Trafford Usoo Dhaqaaqo

Man United Oo Sergio Ramos Ku Dhiiri Galineyso Inuu Sicad U Sheego Rabitaankiisa Ku Aadan Inuu Old Trafford Usoo Dhaqaaqo


Ramos

Madaama maamulka Real Madrid iyo macalin Rafeal Benitez si wadajir ah shaaca kaga qaadeen in Sergio Ramos uusan beec ahayn.

Sidaa darteed Man United ayaa fariin u dirtay Sergio Ramos waxayna ka dalbatay xidigan inuu wax kala fududeeyo sidoo kalena uu si rasmi ah saxaafada ugu sheego rabitaankiisa ku aadan inuu garoonka Old Trafford usoo dhaqaaqo.

United ayaa u aragto in siyaasadan ay Real Madrid qorshaheeda ku wiiqi karaan sidaa darteed Ramos ayay ku dhiiri galinayaan inuu si cad u sheego in Man United laga iibiyo.

29-jirkan dhawaan wuxuu dalka China kulan kula qaadan doonaa gudoomiyaha Real Madrid ayagoo ka hadli doonaan mustaqbalkiisa.

Waxayna Man United fursad u aragtaa kulankan oo ay dooneyso in Ramos si geesinimo ku dheehan uu maamulka Madrid kaga dalbado in dalabka Man United laga jawaabo.

Man United labo dalab oo kala duwan ayaa laga diiday balse ilaa haatana kama aysan quusanin inay gacanta kusoo dhigto daafaca caalamka ugu wanaagsan.

Ramos qandaraaskiisa Real Madrid labo sano ayaa kaga harsan balse isaga iyo maamulka kooxdan waxay isku waafaqi waayeen qaabkii mushaarka loogu kordhin lahaa sidoo kalena heshiis cusub looga saxiixi lahaa.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>