Wargeska Daily Star ayaa sheegay in kooxda Man United ay si lama filaan ah heshiis ula gaari rabto goolhaye Victor Valdes oo haatan koox la’aan ah, wararka ayaa intaas ku daraayo in xidigan uu diyaar u ahay inuu ka hoos cayaaro macalin Luis Van Gaal oo ah tababarihii soo bar baariyay.
Victor Valdes todobaadyadii ugu dambeesay garoonka Old Trafford ayuu ku sugnaa wuxuuna tababar laqaadanaayay Man United madaama uu koox la’aan yahay inta badana waxaa lala xariirinaayay kooxaha Liverpol iyo Bayern Munich.
Balse United ayaa haatan si lama filaan ah wakiilkiisa wada hadalo ula furtay wuxuuna wargeska Daily Express sadaalinaa in Valdes uu Unitedsi rasmi ah uga mid noqon doono todobaadyada nagu soo fool leh.
Macalin Luis Van Gaal aya doonayo inuu 32-jirkan heshiis la gaaro si uu goolhaye labaad uga dhigto sidoo kalena uu cayaarsiiyo mararka qaar hadii Man United ii ka dhawaacmo goolhaye David De Gae.
Wararka ayaa intaas ku daraayo in Valdes uu dalabka Man United aqbali doono madaama uu goolhayaha dhibsadan xaalada koox la’aanta ah waayo tan iyo markii uu dhamaaday qandaraaskii Barcelona kula joogay bishii May wax naadi ah heshiisma uusan la gaarin.