Manchester United ayaa ku warantay iney u dhaqaaqi doonto saxiixa goolhaye Hugo Lloris hadii David De Gea uu go’aansado inuu ku biiro kooxda Real Madrid.
Goolhaye De Gea ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu ka dhaqaaqi doono Old Trafford waxaana jira warar hoose oo sheegaya in xidigaan uu qeyb ka noqon doono heshiis uu Gareth Bale ku imaan doono kooxda Manchester United.
Mirror ayaa qirtay in Louis Van Gaal uu isha ku hayo Hugo Lloris si uu badal ugu noqdo David De Gea, inkastoo Hugo Lloris isna lala xiriirinayo Real Madrid.
Dhanka kale Jorge Mendes ayaa ka dhawaajiyay in De Gea uu baaqi kusii ahaan doono Old Trafford balse United waxey ka cabsi qabtaa in wax walba ay lama filaan ku dhacaan.
Ugu dambeyntii United waxey diyaar u tahay iney lasoo saxiixato Hugo Lloris hadiiba ay weyneyso goolhaye David De Gea oo haatan ku jira waqtigiisa ugu fiican.